Saturday, September 12, 2026
HomeWararGudahaDagaal beeleed oo maalintii labaad ka socda Cowsweyne iyo Laanraydab ee Galgaduud

Dagaal beeleed oo maalintii labaad ka socda Cowsweyne iyo Laanraydab ee Galgaduud

Deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud waxaa maalintii labaad ka socda dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaanka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay tuulada Laanraydab oo hoos tagta deegaanka Cali Afrax ee degmada Galcad, waxaana la sheegay in colaadda ay ka dhalatay muran la xiriira dhul beereed ku yaalla tuuladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu galay maalintii labaad, iyadoo labada dhinac ay adeegsanayaan hub kala duwan. Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa weli si rasmi ah loo xaqiijin, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawaca ay isku dhafan yihiin oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso toddobo qof.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in loo qaaday magaalooyin ka baxsan goobta uu dagaalku ka socdo, si halkaasi loogu helo daryeel caafimaad.

Xiisadda ayaa sidoo kale laga dareemayaa deegaanada ku dhow goobta dagaalka, iyadoo labada dhinac la sheegay inay wadaan abaabul iyo hub aruursi, isla markaana ay isu yeerayaan dad ka kala imanaya degmooyin iyo tuulooyin kale.

Xaaladda ayaa sidaas darteed ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku sii ballaarto haddii aan si degdeg ah loo helin cidda dhex dhexaadinaysa labada dhinac. Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka deegaanka ayaa looga baahan yahay inay qaataan tallaabo lagu kala dhex gelayo dhinacyada dagaalamaya, si looga hortago in khasaaraha nafeed uu sii kordho.

Dagaallada ka dhasha murannada dhulka iyo khilaafaadka beelaha ayaa marar kala duwan laga soo sheegay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Warbixinno hore ayaa sidoo kale muujinaya in khilaafaadka noocan ah ay mararka qaar sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac, iyadoo xiisaddu ay sii adkaan karto haddii labada dhinac ay helaan gurmad iyo hub dheeraad ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo aan helnay oo ka soo baxay maamulka Galmudug ama hay’adaha amniga oo si faahfaahsan uga hadlay dagaalka Cowsweyne iyo Laanraydab, waxaana sidoo kale weli la sugayaa xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe