Ciidamada AUSSOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee qaybta 5-aad ayaa soo gabagabeeyay tababar wacyigelin ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay khataraha walxaha qarxa ee gacanta lagu farsameeyo, gaar ahaan IED-yada, iyo sidii loo xoojin lahaa badbaadada goobaha kontoroollada.
Tababarka ayaa sidoo kale si gaar ah loogu eegay badbaadada hawlwadeennada haweenka ah ee ka shaqeeya baraha kontoroollada iyo meelaha laga soo galo goobaha muhiimka ah. Ciidamada ayaa lagu wacyigeliyay sidii loo aqoonsan lahaa khataraha suuragalka ah iyo tallaabooyinka badbaado ee loo baahan yahay marka ay ka howlgalaan goobaha ay dad iyo gaadiid badan maraan.
Tababarka waxaa bixiyay kooxda AUSSOM BNDF u qaabilsan maaraynta walxaha qarxa, iyadoo taageero laga helayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka iyo walxaha qarxa ee UNMAS.
Gaashaanle Nsabimana Alexis, oo ah injineerka tababarka u qaabilsan qaybta 5-aad, ayaa sheegay in tababarro kale oo la mid ah lagu qaban doono saldhigyada kale ee BNDF, si loo xoojiyo ilaalinta ciidamada, badbaadada askarta iyo dadka rayidka ah, isla markaana loo taageero fulinta waajibaadka AUSSOM.
Sarkaalku wuxuu ka qaybgalayaasha ku booriyay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen tababarka, ayna ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah si loo sare loogu qaado badbaadada iyo waxtarka howlgalka.





