Saturday, June 27, 2026
HomeWararDagaal beeleed dib ugu ku bilaawday degaano ka tirsan gobalka shabeelaha dhexe.

Dagaal beeleed dib ugu ku bilaawday degaano ka tirsan gobalka shabeelaha dhexe.

Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa markale dib uga bilaawday degaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo saaka waaberigii hore bilaawday ayaa ka dhacay tuulooyinka Geelgub & Kooni-jiir, waxaana dhinacyada oo isku heysta dhul kuyaalla degaanandaas ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aan helanay ayaa sheegaya in dagaalkii saakay dhimashadu ay gaartay ilaa 10 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen, iyada aysan jirin cid kala dhex-gashay dhnacyada dagaalamay.

Degaannada dagaalka uu ka dhacay ayaa kamid ahaa degaannadii dhawaan ciidamada dowladda ay ka saareen Al-Shabaab, waxaana mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ay dhowr jeer sheegeen in Al-Shabaab ay iska horkeenayaan Beelaha si ay u joogsadaan howlgallada ka dhanka ah.

  1. Dagaalka Maanta ka dhacay tuulooyinka Geelgub & Kooni-jiir ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli Gudoomiyaha Goolka uu soo saaray baaq ku aadan in colaada la joojiyo, isla markaana dagaalka loo wareejiyo mid Gobolka looga saarayo Al-Shabaab.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe