Xilli roobka Dayrtu uu ka curtay gobolka Galgaduud, lana saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo halis nafeed geysan kara ayaa Idaacadda codka gobolada dhexe waxay arrintaas aragtidooda ka weydiisay shacabka ku nool magaalada Cadaado.
Dadka aanu waraysanay badankood ayaan ku baraarugsanayn halista ka imaan karta Elnino, haddii ay ku dhufato deegaankooda, waxaana ay inoo sheegeen in aysanba maqlin wax macluumaad ah oo ku saabsan khatarta la saadaaliyey.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa inoo sheegay in ay maqleen Elnino, balse aysan aaminsanayn kuna camal falaynin farriimaha digniinta ah ee ka soo baxay hay’adda maaraynta musiibooyinka dowladda FS.
“Kama cabsi qabo Elnino, Alle ayaan ku kalsoonahay, mana aaminsani in wax halisa ay jirto, waxna kama badalin habnololeedkeyga” ayey tiri Faatima Maxamed Abtidoon oo ganacsi yar ku leh Cadaado, iyadoo horteeda ay fadhiyaan biyo ka haray roob saaka da’ay.
“Waxa barri dhici doona kama hadli karno, Alle kaliya ayaa og haday dhib tahay iyo haddii ay khayr tahbayba , badbaadada Alle ayaa haya, ma dhagaysan karno warkooda kuwa wax saadaaliyey” ayuu yiri Xasan Nuur Axmed oo ka mid ah dadka degnan Cadaado
Inkastoo dadka badankii aysan ahmiyad la lahayn fariimaha digniinta ah ee soo baxay ama aysanba war ka haynin, hadana waxaa jira dad kooban oo si dhab ah u qaatay halista la saadaaliyey.
Tani ayaa muujinaysa in bulshada Soomaaliyeed ay u baahanyihiin wacyi gelin baaxad leh oo ku saabsan waxtarka fariimaha ka digista Elnino, si ay u badbaadaan naftooda iyo maalkooduba.