Ilo xog ogaal ah oo dhinaca Millitariga ah ayaa warbaahinta  waxay u sheegeen in Hay’adaha ammaanka ay dad u soo qab qabteen qarax Miino oo maqribnimdii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-control Afgooye iyo xaafada Haanta-dheer ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa Miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa waxa uu qabsaday gaari i Cabdi Bille ahaa oo waddada marayay, kaasi oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku geeryootay laba qof oo shacab ahaa, kuwaasi oo wadada marayay xilliga uu qaraxa dhacayay, waxaa sidoo kale dhaawacuu ka soo gaaray laba askari oo ka mid ahaa kuwa gaariga saarnaa, waxaana dhaawacooda loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Intaasi kadib ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta tagay ayaa bilaabay howlgallo amni xaqiijin ah, waxaana howlgalkan oo soo gaba gaboobay xalay saq dhexe lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo looga shakiyay in ay wax ka ogyihiin falkan.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen raggan in loo gudbiyay xarumaha baarita ee ciidanka, si cidii dambi leh ciqaabteeda ay u marto, cidii kale ee dambi lagu waayanay dib xuriyadiisa loogu soo celiyo.
Isgoyska Ex-Control Afgooye, ayaa dhowr mar waxaa qaraxyo Miino lagula eegtay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaasi isticmaala, iyada oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo Qaraxyo ka geystaan fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, balse ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.