Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo dhawaan lagu dilay duleedka degmadaas
.Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Maamulka Hir-Shabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil katirsan qeybta27aad & Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Warsheekh, waxaana gacanta lagu dhigay 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka xaluule loogu geystay Hooyo Umul aheyd iyo laba Carruur ah oo dhashay.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe
Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.
Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Bishaan Gudaheeda waxaa ka dhacay dilal foolxun oo la xiriira aanooyin qabiil oo Sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaannada hoostaga Warsheekh iyo Cadale, waxaana Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.