Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaDab xoogan oo ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha...

Dab xoogan oo ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo aroornimadii hore ee saakay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa si gaar ah uga kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaala Suuqa Cabdalle shideeyaha iyo wadada isku xirta dhismaha Shirkadda Somtel.

Lama oga wali waxa rasmiga ah ee sababay dabkaan xoogan ee saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lasoo warinayo inuu geystay khasaare xoogan oo gaaray goobo ganacsi oo u badan Electaronic.

Dadweyne aad u badan oo isugu jira ganacsato iyo dad shacab ah ayaa ku howlan daminta dabkaan oo kusii faafaya qeybo kale oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya waxaa marar badan sidaan oo kale uga kacay dab khasaare xoog leh gaarsiiyay qaar ka mid ah ganacsatada Suuqaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe