Friday, April 17, 2026
HomeUncategorizedDab qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

Dab qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan ayaa goor dhoweyd saaka oo Jimce ah ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya dhismeyaasha gubanaya ay ku yaalaan qeybaha dahablaha iyo maacuunta ee Suuqa
Dabka ayaa qabsaday dukaamo halkaas ku yaalla, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qeybaha kale ee Suuqa.
Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa isku dayaya iney demiyaan dabkaas ka kacay suuqa inkastoo ay caqabad ku noqdeen sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.

Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkan soo laalaabanayey, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qeybta Cabdalla shideeye loo yaqaano ee lagu iibiyo Electronikada ee Suuqa bakaaraha.
Sidoo kale dabkan ayaa ku soo aadaya xili suuqa bakaaraha iyo suuqyada kale ee caasimada  mashquul xoogan uu ka jiray maalmahan, ka dib markii ay u soo dukaameysi tageen dad fara badan, diyaar garowga munaasabada ciida awgeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe