Home Warar Daawo Sawiro:-Ra’iisul wasaaraha Dawladda Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxdii ka socotay...

Daawo Sawiro:-Ra’iisul wasaaraha Dawladda Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxdii ka socotay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

507
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulan soo dhoweyn ah u sameeyey Wafigii ka socday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, waxaana uu ka xog wareystay Xaaladda Soomaaliya.
 
R/wasaare Kaamil, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay joogto marxalad aad u wanaagsan, isaggoo xusay in ay socdaan horumaro kala duwan oo dhinacyo badan leh.
 
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulankaasi ku Casuumay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo dalka Jabuuti tababar ku siiya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee mar walbo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, isaggoo siiyey Bilado abaal marin ah oo lagu dhiiri gelin ah.