Home Dhageysi Dhagayso+Sawiro:-BananBax Lagu Dalbanayay In Dib Xoriyadiisa Loosiiyo Maxamed Cabdi Xasan Afwayne Oo...

Dhagayso+Sawiro:-BananBax Lagu Dalbanayay In Dib Xoriyadiisa Loosiiyo Maxamed Cabdi Xasan Afwayne Oo Ka Dhacay Cadaado

683

Banaan Bax Balaaran Oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen Dadka Kunool Dagmada Cadado ee Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmug Oo ay Ka Qayb Galeen Madaxwaynihii Hore Ee Maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiicey , Kuxugeenkiisii C/Raxmaan shaati Cadde Xildhibaano Iyo Masuuliyiin Katirsan Maamulka Galmudug Laguna Dalbanayay In Dib Xoriyadiisa Loosiiyo Maxamed Cabdi Xasan Afwayne Oo Ku Xiran Dalka Belgiumka Ayaa Maanta Kadhacay Magaalada Cadaado.

Dhamaan Masuuliyyiintii Kahadashay Kulankaan Ayaa Waxa Ay Si iskugu mida Dawlda Fidraalka Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Uga Dalbadeen In Ay U istaagaan Sidii Xoriyadiisa Loosiinlahaa Maxamed Cabdi Xasan Afwayne Oo Mudo 4sano Iyo Bila ah Ku Xiran Caasimada Dalka Belgiubka Ee Brussels.

R.Wasaaraha Soomaaliaya Xasan Cali Khayre Oo Kusugan Dalkan Belgiumka Ayaay Ka Dalbadeen in Uu Dawlada Belgiumka Kalahadlo Sidii Xoriyadiisa Loosiin Lahaa Muwaadinkaasi Soomaaliyeed Ee Mudada Dheer Dambi La,aanta Ugu Xiran Dalkaasi.