Tuesday, March 18, 2025
HomeDhageysiDAAWO:-Maxkamada Milatariga oo Maanta Xukun Dil Ah Riday

DAAWO:-Maxkamada Milatariga oo Maanta Xukun Dil Ah Riday

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Cali Maxamud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya oo 8-dii bishaan ku dilay magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, waxaana sidoo kale uu dhaawacay qof Shacab ah.

Askariga la xukumay ayaa dilay AUN Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mootadda loo yaqaano Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Askarta Ciidanka dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr Maato Bajaajle, waxaana taasi ay sababtay Kacdoon ka dhan ah dowladda oo ka bilowday Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe