Home Muuqaalo Daawo’ M/Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo kormeeray isbitaalka Cadaado

Daawo’ M/Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo kormeeray isbitaalka Cadaado

647

Masuuliyiinta booqday isbitaalka Cadaado oo horkacayeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha baarlaanka ayaa ugu horey waxaa soo dhaweeyay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka waxayna mid mid u gacan qaadeen shaqaalaha isbitaalka.
intaasi kadib ayaa masuuliyintu waxa ay kormeereen qeybaha uu ka gooban yahay isbitaalka guud ee magaalada Cadaado waxayna u kuur galeen habka uu u shaqeeyo iyo sida loola tacaala bukaanad
Maxamed Cumar Yuusuf agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Cadaado oo madaxda soo booqatay uga warbixiyay xaalada isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka uu qaabilo bukaano laga kala keeno Mudug iyo Galgaduud islamarkaana uu bixiyo adeegyo lacag la,aan ah
Cali Gacali Casir Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug iyo hay’adaha ka shaqeeya deegaanka in laga qeyb qaato daboolista baahiyada isbitaalka maadama ay jiraan waxyaabo ka dhiman.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in isbitaalka uu sameeyay isbdalo wanaagsan waxuuna tilmaamay in isbitaalka uu bixiyo dawo lacag la,aan ah islamarkaana bukaanada loogu adeego si bilaasha ah.