Home Muuqaalo Daawo Hooyo Somaliyeed oo madaxweyne Farmaajo ka codsatay in la cafiyo wiilkeeda

Daawo Hooyo Somaliyeed oo madaxweyne Farmaajo ka codsatay in la cafiyo wiilkeeda

1348

SafiyoMaxamed Faarax waa hooyo Somaliyeed oo kunool magaalada Cadaado waxa ay sheegtay in wiilkeeda farxan Maxamed Samatar maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka sida ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Hooyadan ayaa sheegay in wiilkeeda farxan Maxamed samatar Al Shabaab ka qafaasheen isagoo jira 13 sano islamarkana ay raadineysay wiilkeeda 3 sano ee lasoo dhaafay hase yeeshee maanta ka war heshay in maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka sida ku xukuntay dil waxayna madaxweynaha Somaliya ka codsatay in cafis u fidiyo wiilkeeda.