Wasiirka Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad ayaa maanta magaalada Cadaado ka daah furay Barnaamijka isgaarsiinta dalka. barnaamijkan ayaa isku xiraya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana looga maarmayaa in loo safro shirarka gudaha dalka.
Waxaana maalgaliyey Bankiga Adduunka (World Bank), Barnaamijkan ayaa laga hirgaliyey Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe. sidoo kale shirkadda Hormuud ayaa ka qeyb qaadatay hirgalinta barnaamijkan.
Waxaa qalab isgaarsiineyd oo casri ah lagu rakibay saddex xafiis oo kala ah, xafiiska wasaaradda Boosatada iyo isgaarsiinta Cadaado, Xafiiska Barlamaanka Galmdug Cadaado, Xafiiska Golaha Wasiirada Galmudug Cadaado.