Home Warar D.Fidraalka Soomaaliya Oo sheegtay in Duqaymo Lagu Dilay 15-Horjooge Oo Katirsan Alshabaab...

D.Fidraalka Soomaaliya Oo sheegtay in Duqaymo Lagu Dilay 15-Horjooge Oo Katirsan Alshabaab G/jubada Hoose.

225

War Kasoobaxay Dawlada Fidraalka Soomaaliya ayaa Lagu sheegay in Duqaymo Kadhacay Gobolka Jubada Hoose lagu dilay 15-Horjooge Oo Katirsan Alshabaab.

Duqaymo Dhanka Cirka ayaa Lagu sheegay Qoraalka in Lala Eegtay Goob ay Kushirsanaayeen Kudhawaad 30-Horjooge Oo Katirsan Al-shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey ee gobolka Jubada Hoose, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab.

Horjoogayaasha Alshabaab ee shirka joogay ayaa Lagu sheegay Qoraalka Lagu Daabacay Warbaahinta Dawlada inuu Kamid ahaayeen Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.