Saturday, April 19, 2025
HomeWararCudurka Ebola oo 370 Qof ku dilay Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah

Cudurka Ebola oo 370 Qof ku dilay Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah

Wasaaradda Caafimaadka Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah ayaa shaaca ka qaadday in tirada Dadka u geeriyooday Cudurka Ebola ay gaareyso 370 Qof, tan iyo intii uu Waddankaasi dib uga dillaacay Bishii July 2018-kii.

Kiisaska 685 Qof oo la liita xummad daran ayaa baaritaanno ka dib la ogaaday in 636 ka mid ihi uu hayo xanuunka Ebollaha, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalkaasi.

Cudurka Ebolaha oo leh Qandho kulul, ayaa markii ugu horreysay lagu arkay qaybo ka mid ah Waddamada Suudaan iyo Koongada Dimoqraaddiga ah Sanaddi 1976-kii, isaga oo ay si fudud ugu gudbiyaan Bini’aadmiga Xayaawanka Duur-joogta ah.

Isha/Anadolu

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe