Sunday, August 9, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka nabad sugida Puntland oo Garowe ku xiray Wariye Jamal Muhumed Osman

Ciidanka nabad sugida Puntland oo Garowe ku xiray Wariye Jamal Muhumed Osman

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhigay Wariye Jamal Muhumed Osman oo saaka kasoo dagay magaalada Garoowe.

Jamal Muhumed Osman ayaa ah weriye Soomaali ah oo ka tirsan telefhsinka chanel 4 ee dalka UK.

Weriye Jamaal ayaa marar badan si weyn baraha bulshada ugu taageerayay kooxda Al shabaab, waxaana aad u dhaliili  jiray madaxda dowladda Soomaaliya.

Dowlada Somaliya ayaa sanadkii hore ku xirtay muqdisho  saacado ka dibna dalka masaafurisay weriyaha magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo degay garoonka Aadan cadde.

Weriyaha ayaa lagu tuhmay inuu xiriir la leeyahay Al shabaab ka dib markii uu dhowr jeer booqday degaanada Al shabaab, wareysiyana ka soo qaaday hogaamiyeyaasha kooxdaas taasoo dhalisay xasaasiyad badan.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin illaa hadda xariga Wariye Jamal Muhumed Osman oo ku xiran magaalada Garowe oo uu saacado ka hor ka degay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe