Tuesday, April 14, 2026
HomeWararCiidanka DANAB oo howlgal kula wareegay degaano dhowr ah

Ciidanka DANAB oo howlgal kula wareegay degaano dhowr ah

Ciiidanka Kumaandooska Danab Ururka 5-aad Guutada 16-aad iyo Ciidanka Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose howlgallo amni xaqiijin ah kana dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar uga sameeyeen degaannada kala ah, Beer-xaani,Cabdi dhoore, Qudus iyo Liba kuus, waxaana Saraakiisha Ciidmada ay sheegeen in dhamaan degaannadaas ay la wareegeen.

Ciidamada ayaa mid mid u baarayay Guryo iyo Goobo qaarkood Al-Shabaab ay isaga baxeen, waxaana Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay sameeynayeen howlgallo kala duwan, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmayay Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe