Home Warar  Ciidanka Ammaanka Oo Xiray Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho.

 Ciidanka Ammaanka Oo Xiray Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho.

192

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa  maanta xiran, kadib markii ciidamada Nabad Suggida ay xireen wadooyinkaasi, kuwaasi oo kusugan isla wadooyinka ay xireen.

Dhamaan Isgoysyada gaadiidka ay maraan ee Magaalada gudaheeda ah ayaa ciidamada ay xireen, sidoo kalena lama ogolo in gaadiid u gudbaan dhanka wadada Maka Al-Mukarama, marka laga reebo kuwa ay wataan madaxda dowladda.

Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgallada ay ka waddaan Magaalada Muqdisho, waxaan xirnaa inta badan waddooyinka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladda ay kala xireen, balse arrintaan ayaa loo sababeynayaa arrimo ku aadan dhanka ammaanka, taasi oo maalmihii u danbeeyay ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Inta badan Madaxda Sare ee dalka ayaa maanta lagu waddaa in ay kusoo laabtaan Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in ay ka qeyb ka tahay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho.