Ciidamada iskua dhafka ah ee maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta howlgallo ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Israac iyo Garsoor ee magaaladaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadaasi ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka magaaladaasi.
Waxaana ay sheegeen in ay sii soon doonaan tan iyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe falal amaan dari ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.