Home Warar Ciidamo la kala dhex-dhigay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Hiiraan.

Ciidamo la kala dhex-dhigay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Hiiraan.

39

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa kala dhexgalay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah isla markaana uu dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Baladul-nuur ee Gobolka Hiiraan
Bilowga dagaalkan ayaa salka ku hayay lahaanshaha dhul-beereedyo oo midba midba midka kale uu sheeganayo

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Ciidanka Xoogga Dalka kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in la kala qaaday Maleeshiyaadkii dagaalamay, islamarkaana Degaanka hadda uu nabdoonyahay.
Waan waan labada dhinac ah ayaa hadda socota waxaana ammaanka Degaanka lagu dagaalamay ee Baladu nuur iyo Dabaan oo dhamaantooda hoostaga Degaanka Haarcadeey oo qiyaastii 7km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyn la wareegay ciidanka xoogga dalka.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacyaba leh ayaa ka dhashay dagaalka kadhacay deegaanadaas waxaana baaqyo isdaba joog ah kasoo saaray waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.