Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay inay dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab.
Jeneraal Tareedisho Oo La hadlay Warbaahinta Dawladda ayaa sidoo kale Sheegey inay howl-aggaladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 168 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab degaanno badanna ay ka saareen.
Weerarrada Ka Dhanka Ah Kooxda Al-shabaab oo socda tan iyo Bishii Maarso ee Sanadkan oo ahaa kuwo qorshaysan ayaa waxaa lagaga qabsaday Al-shabaab degaanno badan oo ay ka mid yihiin, Mubaax, Ceel Cali Axmed, Yasooman iyo Tuulooyin kale.
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu gaarsiiyay Xarakada Al-Shabaab qasaare xooggan, iyadoo dhammaan goobihii laga saaray laga furtay Hub iyo Gaadiid dagaal, iyadoo ay Ciidamada xoogguna ku raad joogaan weli Rag Ka Tirsan Al-shabaab.
Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay inay Ciidamadu haatan niyad fiican u hayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab maaddaama ay taakulayn buuxda ka haystaan Dowladda dhexe iyo Shacabka ku dhaqan degaannada ay imminka ku dhuumaalaystaan, Geed kasta iyo goob walba oo ay tagaanna ay uga dabatagi doonaan kana saari doonaan Sida Uu Sheegay Taliyaha.
Xigasho Radio Muqdisho.
Afeef: Codka Gobolada Dhexe Ma xaqiijin karto Sugnaanta Warkaan.