Friday, September 29, 2023
HomeWararAfar Qof oo Koronto ku dishay Magaalada Muqdisho.

Afar Qof oo Koronto ku dishay Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay Afar ruux ayaa  koronto ku dishay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, xilli roob xoog leh uu ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Saddex ruux ayaa kudhintay nawaaxiga Xaafadda Xaaji Baasto ee Degmada Hodan, dadkaan dhamaantood Koronto ayaa Sababtay geeridooda  sidda ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale jira wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay degmada Waabari ee Muqdisho,ka dib markii ay Koronto qabatay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan dad kale oo Koronto ay ku qabatay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, laakiin gurmad ay heleen, kadib iyaga oo garaab ah halkaasi laga qaaday.

Roobab xoog leh oo Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo wadooyinka waaweyn iyo kuwa xaafaddaha ay biyo fariisteen.

Dhawaan ayay aheyd Markii labo wiil oo dhalinyaro ah ay Koronto ku dishay degmada Wartanabadda ka dib markii ,iyaga oo maraya meel Luuq ay koronto kusoo dhacday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe