Friday, April 25, 2025
HomeWararCiidamada Nabad Sugida Galmudug gaar ahaan kuwa ka Howlgalla Caasimadda Galmudug Ee...

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug gaar ahaan kuwa ka Howlgalla Caasimadda Galmudug Ee Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku fashiliyeen qarax lagu Aasayay meel kamid ah Magaalada Dhuusmareeb. War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo aha Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wadao dhex-marta Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Ninkii miinada aasayay. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Haweenka jaadka iibinayay ay arkeen Ninka miinada Aasayay sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen, waxaana Ninka la qabtay la geeyay xarun Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb. Magaalada Dhusamareeb Ee Caasimada Galmudug ayaa waxaa ay kamid aheyd meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug, hayeeshee labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay falal amni darro, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay sheegeen inay ka hortagayaan.

Maxkamad ku taal Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa laalashay xukunkaas oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ninkan la sii deyn karo 25 gudahood, halkii uu markii hore xabsi ku qaadan lahaa 40 sano.

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe