Tuesday, April 21, 2026
HomeWararDibaddaSirdoonka Jubbaland oo soo bandhigay Askar hub AS ula goosatay.

Sirdoonka Jubbaland oo soo bandhigay Askar hub AS ula goosatay.

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo  sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al-shabaab uga iibsadaan hantida Dowladda ee lagu aaminay.

Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan As  kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.

Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen AS kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan, balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay As iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe