Friday, July 3, 2026
HomeWararGudahaCiidamada dowladda Soomaaliya oo gobolka Baay ku dilay 12 ka tirsan maleeshiyada...

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gobolka Baay ku dilay 12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaaniib ah.

Ugu yaraan 12 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan dagaalyahano Ajaanib ah ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay degmada Qansax dheere ee gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Saraakiisha Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano Ajaanib ah ay ku jiraan dadka la dilay balse ma aysan shaacin tiro cayiman iyo faah faahin dheeri ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa xoojiyey howlgallada ciidan ee lagu soo celinayo deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool.

Howlgalladan oo kale oo dhacay bishii April, ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay ku dileen ku dhawaad ​​70 ka tirsan Al-Shabaab, 30 kalena waa ay ku dhaawaceen waqooyiga Mudug, una dhow degmada Xarardheere oo dhowaan laga saaray.

QORAALADA LA XIRIIRA

12 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe