Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 15aad ee qeybta 21aad & Ciidamada Booliska degmada Guriceel ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudeey iyo Saraakiil kale, waxaana sigaar ah Ciidamada uga fuliyeen degaanka Bacda & degaano kale oo dhawaan lagu arkay Xubno katirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, isla markaana loo xaqiijin lahaa Amniga degmadaas & degaannada hoostaga.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana bulshada Magaalada ay sheegeen inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.

