Ciidamada ayaa howlgalkooda baaritaano guri guri ah uga sameeyay xaafdaha deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana sidoo kale ay baarayeen gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa jiray howlagalo noocaan oo kale ah oo ay ciidanka xasilinta ka sameynayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in amaanka Caasimadda Muqdisho uu yahay mid la mid ah Caasimadaha kale ee Caalamka.
Only wanna remark on few general things, The website pattern is perfect, the content material is really good : D.