Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Wiil yar oo afartan habeen jiray iyo gabadh ay walaalo yihiin oo 2 sano jirtay uu xalay daad ku dilay magaalada Hargeysa.
Ciidamada Somaliland ayaa xaqiijiyay Labada carruurta ah iyo hooyadood oo ku sugnaa gurigooda oo sandaqad ahaa in uu ku soo rogmaday daad xoog badan.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska  Somaliland general Cabdullaahi Fadal Iimaan oo hogaaminayay ciidan u gurmaday goobtaasi ayaa BBC u sheegay in la soo badbaadiyay hooyada dhashay caruurrta, haddana lagu dabiibayo Isbitaal.
Arrintaas ayaa ka dhacday xaafadda Qudhac-dheer ee Koonfurta-bari ee magaalada Hargeysa.
Aabaha dhalay carruurta geeriyootay Axmed Qorane ayaa warbaahinta u sheegay in gurigan sandaqada ah uu qoyskiisu soo degay laba maalmood ka hor uuna u dhawyahay doox.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed oo xalayba markiiba tegay goobta shilku ka dhacay ayaa u tacsiyeeyay qoyska, aabaha ay masiibadani ku dhacday ayuuna u badallan qaaday in ay dawlladdu garab istaagi doonto