Saraakiil ka tirsan ciidankii Imaaraadka ay tababareen ayaa xaqiijiyay inuu socdo qorshe ciidamadaasi loogu wareejinaayo dowladda Mareykanka oo bixin doonta qarashaadka iyo daryeelida ciidamadaasi.
Warbixino dhinacyo kala duwan aan ka helnay ayaa xaqiijinaysa inuu meel wanaagsan maraayo qorshaha ciidamada Imaaraadka loogu wareejinaayo Mareykanka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadan waxa ay sheegeen in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Somaliya, iyadoo laga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankaan loogu wareejin karo Mareykanka.
Kulan maanta lagu wado inuu ka dhaco Xerada Jeneral Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isku soo hor fariisan doona Saraakiisha sare ee ciidankii Imaaraadka ay tababareen oo hadda loo bixiyay guutada Daljir, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ee wada qorshaha la wareegista ciidamadan.
Waxaa maanta la isla gorfeyn doonaa habka ugu wanaagsan ee ciidamadan tababarka sare qaba loogu wareejin lahaa Mareykanka, maadaama muddo ciidamadan tababar ay qaadanayeen, haddana aysan suuragal aheyn in la dayaco oo duurkalagu sii daayo.
Dowladda Somaliya waxa ay soo jeedisay iyadoo laga faa’iideysanaayo tababarka iyo tayada ciidamadan in loo helo dowlad bixisa Mushaarkooda, maadaama Somaliya hadda aysan ku filneyn bixinta mushaaraadka ciidaamda kala duwan oo haddaba inta badan mushaarka ciidanka waxaa bixiya dowlado shisheeye.