Saturday, March 22, 2025
HomeWararCabdi Xaashi oo warqad uu kaga Cabanayo gollaha fulinta iyo NISA u...

Cabdi Xaashi oo warqad uu kaga Cabanayo gollaha fulinta iyo NISA u diray beesha Caalamka!{AKHRISO}

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Warqad uu kaga cabanayo madaxtooyadda Soomaaliya u diray Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb, James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madera.

Qoraalka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la aadayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, uuna ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“ Maanta, waxaan idiin soo gudbinayaa labadiinaba anigoo ku hadlaya af-hayeenka Aqalka sare iyo sidoo kale masuulka ugu sareeya ee laga soo doorto gobolada waqooyi ee Somaliland sidoo kale waxaan ahay xubin hoose oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Wadanka kana shaqeynayay muddo soddon sano ah ma aqbaleyno in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha & Taliyaha NISA in ay soo xulaan Xubnaha Guddiyada Matalaya gobolada Waqooyi  ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe