Tuesday, April 14, 2026
HomeWararBeesha Caalamka oo wadda dadaallo shirka Afisyooni loogu soo celinayo Madaxda DFS

Beesha Caalamka oo wadda dadaallo shirka Afisyooni loogu soo celinayo Madaxda DFS

Wakiilada beesha Caalamka ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in ay shirka xerada Afisyooni dib ugu soo celiyaan Madaxda muddo xileedkoodii dhamaaday oo dhawaan sheegay in shirkaasi uu fashilmay.
War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay waddaan kulamo ay doonayaan in mar kale la sii amba qaado dadaallada ku aadan arimaha doorashooyinka iyo xalinta khilaafka ka taagan.

“Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.
Beesha Caalamka ayaa muuqa in aysan taageeraysaneyn go’aankii kasoo baxay xukuumadda ee ahaa in uu fashilmay shirkii ka socday xerada Afisyooni.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe