Wednesday, November 29, 2023
HomeCayaarahaBarcelona Oo Raadinaysa Beddelka Xavi Hernandez – Maxaa Soo Kordhay?

Barcelona Oo Raadinaysa Beddelka Xavi Hernandez – Maxaa Soo Kordhay?

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laa sheegay in ay raadinayso tababarihii u beddeli lahaa Xavi Hernndez, kaddib markii shaqada agaasimaha ciyaaaraha loo dhiibay halyeygii khadka dhexe ee Deco oo ay waqti dheer iska soo garab ciyaareen Xavi Hernandez.

ADVERTISEMENT

Deco oo Barcelona dib ugu soo laabtayt bilo ka hor, ayaa waxa uu beddelayaa Mateu Alemany oo ka tegay kooxda oo uu qayb ka ahaa dibu-dhiska uu ku sameeyey Joan Laporte.

Barcelona ma doonayso inay erido Xavi Hernandez sida ay warbaahinta waddanka Spain sheegtay, hase yeeshee waxa ay Deco iyo maamulka sare diiddan yihiin sida uu tababaruhu ula dhaqmayo ciyaartoyda da’yarta ah, gaar ahaan Ansu Fati oo uu ku riixayo inuu albaabka ka baxo.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay in Barcelona ay isku diyaarinayso xaalad kasta oo iman karta sida haddii uu Xavi go’aansado inuu iskaga tago kooxda amaba ay iyagu eryaan, waxaanay sii calaamadsadeen macallinka beddeli dooina.

ADVERTISEMENT

Deco oo ay saaxiib dhow yihiin ninka gacanta midig u ah Joan Laporte ee Alejandro Echevarria, ayaa waxa la sheegay in uu doonayo in Xavi uu fursod siiyo Ansu Fati iyo Lamine Yamal sida Alejandro Balde  oo kale, waxaanna haddii ay xaaladdu ku socon weydo sida ay qorshayanayaan ay sii diyaaarsadeen Rafael Marquez oo ah tabbaraha da’yarta Barcelona oo ay doonayaan in uu beddelo Xavi.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

  1. Whats up very cool website!! Guy .. Beautiful .. Amazing .. I will bookmark your blog and take the feeds also…I am satisfied to find numerous useful info here in the post, we’d like work out extra strategies in this regard, thanks for sharing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe