Tobanka kooxood ee bixiya mushaharka ugu badan kubadda cagta waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana safka hore soo galay saddex kooxood oo horyaalka Sucuudiga ah oo ay ku jirto Al Hilal oo dhaaftay Manchester United kaddib markii ay la saxeexatay Neymar Jr.
Xiddigaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Neymar Jr ayaa iskaga tegay qaaradda Yurub oo u lacag doontay waddanka Sucuudiga, balse PSG ayaa haddana ah naadiga mushaharka ugu badan bixiya kubadda cagta iyadoo waliba ay ka tageen Lionel Messi, Sergio Ramos, Neymar Jr iyo xiddigo kale, waxaana ciyaaartoydani ay ka furteen culays badan oo lacageed.
Al-Hilal oo la saxeexatay Neymar oo siinaysa mushahar dhan £86 milyan oo Gini sannadkii ayaa kalinta labaad ku jirta, iyadoo sidoo kalena ay lacago badan ka xoogsanayaana ciyaartoyda kale ee Yurub ay kasoo kaxaysteen sida Kalidou Koulibaly, Ruben Neves, Sergej Milinkovic-Savic iyo Malcom.
Kooxda Al-Nassr ee la wareegtay Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane ayaa iyaduna soo gashay liiska tobanka kooxood ee mushaharka ugu badan bixiya kubadda cagta, sidoo kalena AL-Ittihad oo haysata Karim benzema, N’Golo Kante, Fabinho iyo xiddigo kale ayaa kaalinta siddeedaad kaga jirta liiskan.
PSG ayaa waxay toddobaadkii mushahar u bixisaa €366,060,000 Euro, waana naadiga ugu badan adduunyada, waxaanaa labaad ku jirta Al-Nssr oo ayt ku xigaan Real Madrid, Al-Hilal, Manchester United iyo Manchester City.
This design is spectacular! You definitely know how to keep a reader entertained. Between your wit and your videos, I was almost moved to start my own blog (well, almost…HaHa!) Great job. I really enjoyed what you had to say, and more than that, how you presented it. Too cool!
Hello, Neat post. There’s an issue along with your site in web explorer, may test thisK IE still is the market leader and a big component of folks will pass over your excellent writing due to this problem.