Home Warar Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe{sawiro}

Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe{sawiro}

138

Banaanbaxaan ayaa waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhigay qaar kamid ah Darawalada Gaadiidka yar yare e ka Shaqeya Magaalada Garoowe.

Darawalada oo isugu soo baxay inta badan wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogtay Shirkadda Dhaweeye oo inta badan keentay Gaadiidka yar yar oo ay ku Shaqeystaan.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda oo Warbaahinta kula hadlay Barxada Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagta ay kusoo rogtay shirkadda Dhaweeye, isla markaana lacagaha yar ay maalintii ka helaan ay Nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Shirkadda Dhaweeya oo ay Darawalada ku eedeeyeen inay lacagaha kusoo rogtay weli kama jawaabin cabashada Darawalada gaadiidka yar yare e Magaalada Garoowe, kuwaas oo Maanta banaanbaxa dhigay.