Home Dhageysi Dhegayso:-Darawalada Moota Bajaajta Oo Dhigay Banaanbax Ay kudalbanayaa in lafuro wadooyinka xiran...

Dhegayso:-Darawalada Moota Bajaajta Oo Dhigay Banaanbax Ay kudalbanayaa in lafuro wadooyinka xiran ee magaalada muqdisho

567

Wararka Ka imaanaya Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxxa ay sheegayaan is halkaasi uu kasocdo banaanbax ballaaran oo ay wadaan gaadiidleyda kashaqayda mootada kooyaqaano Bajaajta.

Koox dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay hakadgeliyeen isu socodka gaadiidka ee agagaarka isgoyska KM4 kadib markii ay halkaasi dibad-bax u xirteen darawallada Mooto Bajaajta.

Qaar ka mid ah Bajajajleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay cabasho xooggan ka muujinayaan xirnaansha Wadooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo sheegay in ciidamada aysan fulin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in wadooyinka la furo, laakiin subixii ay furaan galabtiina ay xiraan.

Midkamida Darawalada Mooto Bajaajta Oo Lahadlay Idaacada Codka Gobolada Dhexe Ayaa Sheegay In Ciidamada amaanka ay Dhibaato U geystee darawaliin Badan oo Watay Moota Bajaajta.