Home Warar Baarlamaanka Cusub Ee Puntland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

Baarlamaanka Cusub Ee Puntland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

241

Gudiga Xalinta Khilaafaadka ee Puntland ayaa horay u shegay inay maalinta Bishu ay ku beeganahay 31 in lagu dhawaaqo Xildhibaanada golaha Wakiilada Puntland 2019 kuwaasoo bedelay xildhibaanada xiligan jooga ee waqtigoodu uu sii dhamaanayo.

Gudiga ayaa horay u sheegay inay diiwaan Galiyeen 220 xildhibaan kuwaasoo dhamaan u socda xildhibaanada golaha wakiilada Waxaa Kaliya Loo Baahanyahay 66 Xildhibaan.

10:30 daqiiqo ayuu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo tirada xildhibaanada golaha wakiilada Cusub ee Puntland waxaana sidoo kale jira Hawlo wali ay wadaan gudiga Xalinta Khilaafaadka ayna dhici karto in dib loo dhigo maanta hadii ay suurta galiwaydo basle waxaa uu sheegeen in Rajo wayn ay ka qabaan in lagu dhawaaqo sida ay sheegeen xubno kamid ah gudiga oo ka gaabsaday  In Magacyadooda Loo Adeegsado Warbaahinta