Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa halkaa kula kulmay Wakiilo ka socda beesha caalamka iyo sidoo kale Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya.
Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Garowe ku qaabilay Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay Kaalmada Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya iyo mashariicda ay ka wadaan qaybo kamid ah Jubbaland sidii loo dardar galin lahaa kuwo Cusubna loo bilaabi lahaa waxaa kale oo Madaxdu ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada wadanka iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhawaan bilowday guluf ka dhan ah, oo looga aaray deeganada ay wali ku sugan yihiin.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Masuuliyiin kala duwan oo kasocda Beesha caalamka iyo Ururada daneeya Arimaha soomaaliya.