Thursday, April 24, 2025
HomeWararGudahaATMIS oo bilaabaysa inay ka baxdo Soomaaliya ka dib 16-sano

ATMIS oo bilaabaysa inay ka baxdo Soomaaliya ka dib 16-sano

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayey bilaabashada wajiga 1-aad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galidda hawsha bixitaanka ciidanka ATMIS.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in dhammaadka bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horreysay ee ciidanka ATMIS, kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan ciidanka xooga dalka Soomaliyeed.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Maxammed Al-amiin Suweef ayaa wasiirka uga mahad celiyey doorka wasaaradda gaashaandhigga iyo guud ahaan dowladda ay ugu qayb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta saraakiisha u timid in ay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyey ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen xasilinta iyo amniga dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah in ay maanta ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay.
Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay ilaa askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.

   

QORAALADA LA XIRIIRA

113 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe