Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaAmniga oo hormood u ah ajandayaasha shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada...

Amniga oo hormood u ah ajandayaasha shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dalka.

Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixino ku saabsan weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab iyo falalkii amni darro ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar looga dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga Amniga Gudaha iyo Cadaaladda.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriira arrimaha Xajka, isku xirka dowladaha hoose iyo la tacaalida cudurrada faafa ee uu shubanku ka mid yahay. , Gawracatada iyo jadeecada.

Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in si weyn looga wada hadlay arrimaha amniga iyo horumarka, iyadoo la isla soo qaaday isku xirnaanta amniga, kobaca dhaqaalaha, iyo xasiloonida bulshada. Wasiirradu waxay isla garteen baahida loo qabo in si dhab ah loo wajaho horumarinta qaranka, iyadoo amnigu uu yahay tiir aasaasi ah.

Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarinayso in la dhimo ciidamada ATMIS dowladda waxa ay diiradda saaraysaa sidii loo dhisi lahaa hay’ad amni oo heer qaran ah oo awood leh.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe