Ceelwaaq, Soomaaliya (KAAB TV) – Maamulka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyey hub iyo saanad hub oo ay ku soo qabteen ganacsato hub ka ganacsata oo maanta howlgal ka dhacay degmadaas.
Howlgalka kadib ayaa dhamaan hubkii iyo rasaastii lagu soo qabtay waxaa dib loogu celiyay dadkii lahaa.
Gaashaanle Shukri C/laahi Xuseen oo ah Taliyaha Hay’adda 1-aad ee Hay’addaasi ayaa sheegtay in hubkaasi ay kala wareegeen dad ka ganacsada Hubka.
“Hubkan waxaa laga soo iibsaday ciidamada dowladda. Waxaan bartilmaameedsanaynay hub sharci darro ah,” ayuu yiri Gaashaanle Shukri.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in hubkan uu ahaa mid ay lahaayeen maleeshiyo beeleed taasi oo muujineysa xiisada taagan.




Soomaaliya ayaa xiligan waxaa kusoo badanaya Hubka sida sharci darada ah u socda, taasi oo ka dhalatay Hubka la soo dejiyo oo aan la xakameynin. Bishii December 2023 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd muddada dheer, taasoo la saaray 1992-kii taasoo lagu tilmaamay mid lagu degdegay.
Colaado hubeysan oo u dhaxeeya beelo walaalo ah ayaa weli ka taagan deegaanno kala duwan oo koonfurta ah halkaasoo ay weli ka socdaan dagaallo ay dad badan ku dhinteen

