Friday, December 13, 2024
HomeWararAmisom Iyo Millatariga Soomaaliya Oo Wada Qorshe Al-shabaab Dalka Looga Saarayo

Amisom Iyo Millatariga Soomaaliya Oo Wada Qorshe Al-shabaab Dalka Looga Saarayo

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalk ah ee Soomaaliya ay billaabi doonaan Howlgal lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka.

David Muhoozi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamad Difaaca Dalka Uganda todobaadkanna booqasho ku yimid Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada.

Waxa uu Taliye David Muhoozi sheegay in howlgalkan oo isku dhaf ah lagu doonayo in AL-shabaab looga saaro Soomaaliya sidoo kalena lagu tijaabiyo awoodda Ciidamada Soomaaliya ee ay AMISOM ku dooneyso in Amaanka Dalka ay ku wareejiso marka la gaaro 2020ka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa howlgalka AMISOM Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalkan wadajirka ah uu yahay in AL-shabaab laga saaro magaalooyin iyo degaanno ay heysato, in la dhimo baraha Canshuuraha ay ku qaaddo Al-shabab iyo dowladda Federaalka ah loo sahlo sidii ay u maamuli lahayd dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe