Saturday, March 15, 2025
HomeWararAmaanka Magaalada Baydhabo Oo Si Weyn Loo Adkeeyey

Amaanka Magaalada Baydhabo Oo Si Weyn Loo Adkeeyey

Iyadoo 5 bishan loo balansanyahay in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii kordhayay ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo shacabka deegaanadaasi ay ka dhursugayaan ciida ku soo bixi doonta doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Koonfur Galbeed,iyo kuwo kale oo halkaasi gaaray si ay u xoojiyaan sugidda nabadgeliyada xiliga doorashadu ay dhacayso.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed  oo ah wasiirka amniga Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay ciidamo shalay gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay u xoojin lahaayeen ka hortaga in kooxaha argagixisada Alshabaab ay weerar ka geystaan magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalku oo isgarabsanaya waxbadan ka tarayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo,oo haatan ah goob mashquul xoogan oo siyaasadeed uu kajiro maadaama ay dhacaysa doorasho ayna muhiim tahay in amniga shacabka siweyn loo adkeeyo iyo hanaanka doorashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe