Friday, March 29, 2024
HomeWararAlshabab oo Weeraray Saldhig Ciidamada Dowlada Ay Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

Alshabab oo Weeraray Saldhig Ciidamada Dowlada Ay Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

Faah faahino  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Ciidanka dowladda la wareegeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.

“Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire ayuu yiri Janeraal Odawaa”.

Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana wararka aan saaka heleyno ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka Bariire ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe