Tuesday, March 18, 2025
HomeWararAlshabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaano Ciidamada Dowlada Ay Iskaga Baxeen

Alshabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaano Ciidamada Dowlada Ay Iskaga Baxeen

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaas, kadib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo horay ula wareegay.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen inay dib ula wareegeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ku yaalla dhinaca xeebta marka loo socdo degmada Marka.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin,isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Shalay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Dhanaane waxa ay gebi ahaanba isaga baxeen deegaankaas, iyaga oo sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday mudooyinkii ugu dambeysay.

War-Saxaafadeed siwadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe