Monday, September 28, 2026
HomeWararAl-Shabaab ‘oo xeelad yaab leh billowday’ kadib jabka xoogan ee ka gaaray...

Al-Shabaab ‘oo xeelad yaab leh billowday’ kadib jabka xoogan ee ka gaaray dagaalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay xeelad cusub oo Al-Shabaab billowday, kadib jabka xoogan ee kasoo gaaray dagaalka ka dhanka ah.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay billowday in maleeshiyaadka lagu jabiyo deegaan ay markaasba ka badalaan, ayaga oo geynaya deegaan kale oo aad uga fog.

“Kuwa maanta inta ka dagaal galay maalin dambe waxay ka tuurayaan Kuuyo-barow, kuwa meel kale dagaal ku qabsaday waxay ka tuurayaan Xarardheere, waxay diidayaan kuwa inta ku jabay haddii kuwa kale lagu soo buuxiyo wey hadlayaan oo waxay dhahayaan shalay ayaa inta nagala qabsaday,” ayuu yiri.

Guddoomiye Jeyte ayaa waxa uu sheegay in xeeladan cusub ay Shabaab weli madaxa ciida uga ceshanayaan, si dagaalka usii wadaan, taasi oo uu sheegay inaysan waxba ka badaleyn dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda.

“Kuwa cusub keena ama kuwii hore soo cesha idinka ayey idin taalla. Halkaas ayey noo joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

by TaboolaYou May Like
Muxuu Jeneraal Laba Afle ka yiri tallaabada xigta fashilka wada-hadallada Ahlu-Sunna? – Caasimada Online
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni – Caasimada Online
Xog: Xasan oo dib u dhigay safarkii Sacuudiga + Sababta – Caasimada Online
Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka ahaa qorshaha la iskugu xiray howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus.

Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe