Saturday, August 8, 2026
HomeWararDibaddaAl-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday BALCAD + Sawirro

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday BALCAD + Sawirro

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa dib u laabtay, kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Dhankooda milatariga Soomaaliya oo weli dhaq dhaqaaqyo wada ayaa haatan howlgallo ka wada agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe