Al-shabaab oo sheegatay inay la wareegeen saldhig afar KM oo kali ah u jira Magaalada Jowhar.
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Saaka weerar xooggan ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Keliga Waraabow ee duleedka Magaalada Jowhar.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen saldhiggaas islamarkaana weerarkaas lagu dilay 6 ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugnaa Saldhigga la weeraray halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Saldhigga Ciidamada dowladda ee ay sheegteen Al-shabaab in ay weerareen waxaa uu afar KM oo kali ah u jiraa Magaalada Jowhar waxaana uu uga beeganyahay dhinaca Galbeed.
Ma jiro ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijiyay sheegashadooda la xiriirta weerarka Saldhigga Ciidamada dowladda ee Keli Waraabow iyo khasaaraha ay sheegteen.
Waxaasa warar aan heleyno ay sheegayaa in ciidamo ka tirsan dowladda ay deegaankaas ku wajahanyihiin.

