Thursday, April 24, 2025
HomeWararAKHRISO:- Wasiir Khadiijo Oo faahfaahin ka bixisay safar ay ku tagtay Dalka...

AKHRISO:- Wasiir Khadiijo Oo faahfaahin ka bixisay safar ay ku tagtay Dalka Kuwait.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay safar ay ku tagtay Dalka Kuwait ka dib markii ay Dalka dib ugu soo laabatay.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in madaxda dawladda Kuwait ay isla garteen kordhinta taageerada ay ku bixiyaan horumarinta adeegyada dadwaynaha.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaal Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda ay la soo kulmeen ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah kuwo kasoo ka banaya bur burkii Dalka ku dhacay.

Dhanka kale Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradda dhalinyarada  iyo ciyaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar garoow xoogga ugu jirto marti galinta 15 may oo ah maalinta dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ku aadan horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Dalka taasoo ay baahi weyn u qabaan dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Soomaaliya iyo Gobalada Dalka”.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe