Home Warar AKHRISO:-Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusa-mareeb

AKHRISO:-Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusa-mareeb

314

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada Galmudug waxaa Maalintii 2aad ka socda kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada oo ay siweyn uga arinsanayaan arimo xasaasi ah oo ay Kamid yihiin gorfeynta Doorashooyinka,isku soo dhaweynta siyaasada Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul goboleedyada iyo Matalaada Gobolka Bnaadir.

Kulamo gooni gooni ah iyo kuwo wada jir ah oo ilaa iyo xalay uga Socday Madaxda Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa la sheegay in ay isku soo dhaweeyeen waxyaabo badan oo ay ugu weynyihiin shir ay iskugu yimaadaan Madaxda Maamulada iyo kuwa qaranka si la is kula meel dhigo qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxweynayaasha oo gabi ahaanba ka tanaasulay siyaasadii is jiid jiidka ku dhisneed iyo Dhaliilihii ay u jeedin jireen Madaxda Qaranka ayaa isku raacay in il naxariis leh lagu eego xaalada Siyaasadeed ee uu xiligaan Dalku marayo.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Jubbakand oo siwey looga bartay in ay u dhaliilaan siyaasada Madaxda Qaranka ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa lagu qanciyay in ay tanaasulaad muujiyaan oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka uusan dib ugu laaban lahayn.

Dhanka kale Beesha Caalamka o il gooni ah ku haysa Kulankaan ayaa lama filaan waxaa ay ku noqdeen Qudbadihii dabacsanaanta siyaasadeed muujinayay ee shalay Madaxda ay jeediyeen waxaana ay Xariir la sameeyeen beesha caalamku  MD Farmaajo,RW khayre iyo Maamadxda Maamulada ee ku shirsan Dhuusa-mareeb.

Daneeyayaasha siyasada Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Midawga yurub,Mareykanka iyo IGAD ayaa la sheegay in ay Xariir toos ah la sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi farmaajo iyaka oo wax ka weydiiday suurta galnimada in uu ka qayb galo kulanka Madaxada Maamul goboleedyada uga socda Caasimada galmudug.

Hogaamiyaha dalka mudane farmaajo ayaa la sheegay in uu ka cago jiiday ka qeyb galka kulankaasi waxa uuna usheegay beesha caalamka in uu dib u qaban qaabin doono kulan madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedyadu ay is kugu yimaadaan marka uu kulankaani soo idlaado.

Ra,iisul wasaare khayre oo dhankiisa Beesha caalamku ay Xariir la sameysay ayaa aqbalay ka qeyb galka kulankaan .

Dhankooda Madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan Dhuusa-mareeb ayaa beesha caalamka waxa ay waydiisay in ay ogolyihiin in Madaxda qaranka ay shirkooda qayb ka noqdaan si weyn ayayna u soo dhaweeyeen Madaxad Maamul Goboleedyaada oo go’aansaday in wax walba laga hor mariyo danta dalka iyo dadka.

Maalmaha Soo aadan ayaa la filayaa wafdi uu hogaaminayo Ra,iisul wasaare khayre uuna ka midyahay Gudoomiyahaqa Aqalka sare in ay soo gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb si shirkaasi ay uga qayb galaan.